Xaaf’’ Waa been Abuur cid xilka iga qaaday ma jirto ama iga qaadi karta

Cadaado (estvlive) 27/09/2017

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo xildhibaanno ku shiray Cadaado sheegeen in xilka laga qaaday ayaa tallaabadaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxaana uu beeniyay in ay jireen xildhibaanno ku shiray Cadaado.

‘’Xildhibaanno halkan ku shiray oo xilka iga qaaday ma jiraan, waxaan rabaa in aan kuu sheego xildhibaanno aan ka badneyn 10 ruux ayaa guri fariistay ayaa leygu yiri oo warkan soo saaray, marka arintaa waa iska sharci darro, xildhibaanno ka badan 60 ayaa hadda fadhiya oo la yaaban warkaa isaga ah’’ ayuu yiri Xaaf.

Mar wax laga weydiiyay eedeynta loo jeedinayo ee ah in uusan ogoleyn in ay shiraan xildhibaannada islamarkaana guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug uu xabsi ku guri ku yahay Cadaado waxaa uu Yiri’’ Waa been guddoomiye xiran ma jiro, xaalada magaalada ayaa iska kacsan, marka laamaha amniga ayaa u sheegay oo kaliya inta xiisada laga dajinayo in uu yareeyo soc socdka magaalada’’

Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka danbeyso arimaha dhacaya oo idil, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid la mid ah go’aankii xilka looga qaaday madaxweynihii Hirshabeelle.

‘’Dowladda federaalka ayaa mas’uuliyada oo dhan qaadeysa iyada ayaa ka danbeysa, tallaabadanna waxaa ay la mid tahay wixii ka dhacay Hirshabeelle’’ ayuu yiri Xaaf.

Waxaa uu sheegay in ay sharci darro tahay in Lix bilood ka hor laga keeno mooshin xilka looga qaadayo, madaama uu hadda Afar bilood oo kaliya xilka hayo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay saartay waxaa ay ku baaqday in loo hogaasamo go’aanka ay gaaraan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ee xilka looga qaaday madaxweynaha.

Comments are closed