“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mr. Koofi
wuxuu tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo shaqadoodu noqon doonto ilaalinta dhinac Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.
Dhinaca kale, Agaasimuhu wuxuu soo hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxaana uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.
Wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wada hadallo u socdaan, xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogayna aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.
Comments are closed