Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaarna magaalada looma in ay maraan gaadiidka dadweynaha.
Socdaalkan taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay in uu horudhac u yahay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidamada.
Dowladda Turkiga ayaa dhismaha saldhigan waxa ay ku bixisay dhaqaale gaaraya 50 Million oo Dollar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkii hore.
Comments are closed