Hey’addaha Amniga oo soo bandhigay Hub, Rasaas iyo Maadooriye lagu soo qabtay howlgal

Muqdisho (estvlive) 01/10/2017

Saraakiisha hey’addaha Amniga ayaa soo bandhigay Hub, Rasaas iyo maandooriyayaal lagu soo qabtay howl galadii maalmahan laga sameynayay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo saraakiisha Booliska ayaa goob joog ka ahaa halkii lagu soo bandhigayay oo aheyd dugsiga Tababarka Booliska ee Jen, Kaahiye.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in waxyaabahan ay isugu jiraan Maandooriyaal, Rasaas, Hub iyo Agabyo ay ka mid yihiin miisaan, siliska rasaasta, kuwaa oo badankodo ay ku jiray jawaanno.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in la soo qabtay dadkii lahaa ama watay kuwaa oo sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Booliiska sharciga la horkeeno doono.

Wasiirka Amniga ayaa ugu danbeyntii sheegay in saacadaha soo socda soo bandhigaan natiijada baaritaanka dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday degmada Xamar weyne oo rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, kaasoo lagu dilay labo qof oo saarnaa gaariga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo ballaaran oo lagula dagaalamayo falalka amniga ka dhanka ah, waxaana saacadihii ugu danbeeyay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir ciidamadu ka sameeyeen howlgal lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay.

Comments are closed