Saraakiil Al-shabaab Ka Tirsan oo lagu dilay Duleedka Buurdhuubo

Buurdhuubo (estvlive) 03/10/2017

Dowladda federaalka Federaalka ayaa sheegatay in saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay duleedka degmadda Buurdhuube ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya

Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/raxmaan Ibraahim oo ku sugan  gobolka Gedo  oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan waxa uu ugu yeeray  Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.

Wuxuu  tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan  duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka  Al shabaab.

ciidamada  ayaa  degaamadaasi  waxay ka wadaan  howlgalo lagula dagaalamayo  Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo, kuwaasoo Ciidamadu  ay ku sheegeen inay ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.

Comments are closed