Ninkii dadka ku laayay Las Vegas oo la sheegay in uu heystay 42 Qori

Mareykanka (estvlive) 03/10/2017

Booliiska gobolka Neveda ee dalka Mareykanka ayaa 23 qori ka helay qolkii uu weerarka ka fuliyey ninkii dadka ku toogtay magaalada Las Vegas, ayada oo sidoo kalena 19 qori oo kale laga helay gurigiisa.

Ninka weerarka fuliyey ayaa magaciisa lagu sheegay Stephen Paddock, wuxuuna ahaa 64 jir deganaa magaalada Mesquite ee gobolka Neveda.

Toogashadii uu fuliyey oo ahayd tii ugu xumeyd taariikhda dalka Mareykanka, ayaa waxaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 59 qof, ayada 527 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaan illaa iyo hadda caddeyn sababta uu ninka u go’aansaday in uu weeraro 22,000 qof oo bandhig faneed ku daawanayey barxadda Las Vegas Strip, halkaasi oo uu ka heesayay fanaanka Jason Alden.

“Waxaan weli raadinaynaa wax kasta oo ku saabsan nolosha ninkan” Waxaa sidaas yiri kaaliya madaxa booliiska Clark County ee Nevada, Todd Fasulo oo la hadlay weriyayaasha.

Fasulo waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in ninkan uu weerarka fuliyey kaligiis, islamarkaana aysan jirin cid kale oo la tuhunsan yahay.

VOA

Comments are closed