Madaxweyne Gaas: Shirka Kismaayo Danaha Maamul-goboleedyada Ayaa Lagaga Hadlayaa

Kismaayo (estvlive) 08/10/2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas oo maanta u dhoofay Magaaladda Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qaybgalay shirka maamulgoboleeyada uga furmaya halkaasi, ayaa sheegay in shirkaasi laga hadli waxyaabo badan oo khuseeya danahooda.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uu filayo marka uu soo gabagaboobo inay ka soo baxaan sidii ay si u dhow u wada shaqayn lahaayeen maamul goboleedyada, islamarkaana dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyadu uga shaqayn lahaayeen arrimaha Masiirig ah ee Dalka

“tafaasiil badan ayaa laga bixiyay, waxyaabo badan ayaa laga falkiyay, laakiin runtu waxaa weeye, xaq bay u leeyihiin Dowladgoboleedyadu inay isku yimaadaan, duruufaha gaarka u ah iyo danaha ka dhexeeya iyaga, taan micnaheedu ma ah in ujeedo kale laga leeyahay, ee waa in laga wada hadlo howlaha qaranka ee socda ee uu ka mid yahay arrimaha dastuurka, awood-qaybsiga, iyo sida khayraadka loo wadaagayo” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Magaaladda Kismaayo oo la filayo in maalinta beri ah uu ka furmo shirku.  waxaana haatan ku sugan Madaxweynayaasha maamul goboleeyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe oo isagu martiqaadka shirka fidiyay.

Comments are closed