Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay in goobtani tahay meel aanay jirin wax lagu masaalo amase lala-meel dhigo qurux ahaan, jewi ahaan iyo dalxiis ahaanba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in Soomaaliya tahay dhuldihin, qurux, bilic iyo cimilo wanaagsanle loona baahan yahay in dhulkaasi laga faa’iidaysto, gaar ahaan goobaha dalxiiska sida degaanka Goob-weyn.
Dhica kale Madaxweynaha ayaa sheegay in degaanka Goob-weyn ku caan yahay beero kuwaas oo lagaga faa’iidaysto biyaha webiga Jubba, dhuldaaqsimeed had iyo jeer Alle ku manaystay dhir cagaaran oo ay xooluhu ku nimcaysteen, kalluunka iyo sidoo kale dalxiiska oo ah goob markasta mashquul ah oo ay soo booqanayaan shacab Soomaaliyeed.
Shirka Kismaayo oo maalintii Saddexaad galay ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira natiijadda ka soo baxday shirkaasi, kaasi oo madaxdu ku sheegay in looga hadlayo Wadashaqaynta maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, arrimaha dastuurka, qaybsiga khayraadka dalka iyo deeqaha dibadda uga yimaada iyo arrimo kale.
Comments are closed