Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey xafladaan uu ku sheegay inay aheyd mid qiimo u leh dadka Miirka la’.
” Waxaan u mahadcelinayaa G/Benadir Thaabit Cabdi oo qabtay barnaamij muhiim ah oo lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka – waxaana hoosta laga wada xariiqay in loo baahanyahay dadka dhimirka qaba in la caawino oo laga daayo faquuqa, ceyda, dilka, iyo daryeel la’aanta ” ayu yiri wasiirka.
Sidoo kale waxaa la xusay doorka warbaahinta ee wacyigeinta bulshada si gar-gaar deg-deg ah loogu fidiyo dadka dhimirka qaba oo istaahila inay xaq la mid ah qof walba helaan” Ayuu yiri mar kale ku yiri Wasiirka Warfaafinta qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook-ga.
Ugu danbayn ,munaasabado caynkan oo kale ah ayaa ka qabsoomay magaalooyin kamid ah kuwa maamul goboleed-yada ,xilli xanuunkan uu dad badan ku dhaco sanad walba.
Comments are closed