Kulan balaadhan oo lagu shaacinayay miisaaniyada sanadka 2010TI ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana loogu diyaar garoobayay munaasabada 10aad ee xuska maalinta calanka dalkeena itoobiya ayaa ka qabsoontay magaalada jigjiga
Kalankaasi oo ay soo diyaariyay maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga, masuuliyiinta xaafadaha kala duwan ee maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga.
Waxaana kulankaasi furitaankiisii ka hadlay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarig wuxuuna tilmaamay in uu kulankan yahay mid bulshada lagu tusinayo cadadka miisaaniyada loo qabtay iyo adeegyada horumarineed ee lagu fulinayo islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshadu fahan buuxa ka qaataan si ay dhamaadka sanadkan ugu xisaabtamaan in miisaaniyada lagu fuliyay qorshihii loogu talagalay iyo in kale taasi oo ka mid ah ayuu yidhi maayirku , cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka halbeega u ah xukumada DDSI. Wuxuuna intaa ku daray in miisaaniyada loo qaybtay mm jigjiga tahay mid ku salaysan baahida bulshada. Sidoo kale waxa uu maayirka ka warbixiyay in ay fooda inagu soo haysa munaasabada maalinta calanka dalkeena itoobiya islamarkaana loo baahan yahay in si meeqaam sare ah loogu diyaar garoobo xuska maalinta calanka dalkeena itoobiya
Comments are closed