Jigjiga (estvlive) 16/10/2017
Haddaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee caasimada deegaanka ee jigjiga ,
Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka dalkeena itoobiya Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay guud ahaanba shacab waynaha reer itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan munaasabadan qaaliga ah ee xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku wayn tahay quluubta iyo qalbiyada dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI islamarkaana loo soo maray halgan adag helitaanka calankan qaranka.Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madax-banaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka qoomiyadaha iyo shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Madaxwaynaha DDSI ayaa si qoto waribiyay ahmiyada ay leedahay nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya wuxuuna sheegay in ay ka go’antahay xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI hirgalinta nabadgalayda xalwaara loogu helayo xalinta khilaafaadka xuduuda deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromada.
Dhinaca kale madaxwaynaha DDSI ayaa tacsi diiraanyo u diray dawlada soomaliya iyo shacabkeeda isaga oo uga tacsiyadeedyay dadkii soomalida ahaa ee sida arxan-tarada ah loogu xasuuqay caasimada soomaliya ee muqdisho. Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay qay-baha kala duwan ee shacabka DDSI in ay sii adkeeyaan ilaalinta nabadgalyada deegaanka si aan carqalad loo galinin geedi socodka xawaaraha horumarka deegaanka iyo guud ahaanba dalkeena itoobiya islamarkaana la sii xoojiya la tadagaalanka aragtida xagjir-nimada iyo falalka xun ee argagixisanimada ah ee ay wadaan kooxaha nafla caariga ah gabaadka ka dhiganaya kana ganacsanaya diinta islaamka
Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxay Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigeen heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranka dalkeena itoobiya.
Comments are closed