Kulan Deeqo Taageera Ah Loogu Ururinayay Shacabka Soomalida Ah Ee Ka Soo Barakacay Deegaanka Oromada Ayaa Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 18/10/2017

Xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI ee ku sugan gudaha deegaanka iyo dalka dibadiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii deeqo taageero ah oo lagu daboolo baahiyaha iyo adeegyada bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromiya loo gaadhsiin lahaa. Haddaba kulan maanta ganacsatada yar yar ee maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan tukaan laydu iskood isku soo abaabuleen ayaa ka dhacay jigjiga waxaana kala soo qaybgalay gudiga taakulaynta barakacayaasha deegaanka soomalida itoobiya iyo masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga.

Waxaana, faah-faahin dheeriya ka siiyay warbaahinta deegaanka kulankaasi maareeyaha wakaalada horumarinta shirkadaha yar yar ee  DDSI ahna xubin ka mid ah gudiga taakulaynta soo barakacayaasha deegaanka mudane Jamaal cismaan oo sheegay in kulankan yahay mid ganacsatada yar yar ee maamulka magaalada jigjiga ay ku taageerayaan shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u tajinta ugu samaysay tuulada qolaji wuxuuna u mahad celiyay ganacsatadan yar yar iskood isku soo abaabulay ee deeqda lacagta ah ku deeqay shacabkan ka soo barakacay deegaanka oromada Dhankiisa maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane ibraahin maxamuud mubaarig ayaa sheegay in uu yahay kulan qayb ka ah taageerada balaadhan iyo taakulaynta deeqaha la gaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromiya maayirka ayaa u mahad celiyay ganacsadadan yar yar ee maamulka magaalada jigjiga dareenka wadaniyadeed ee ay u muujiyeen shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada Intii uu kulankani socday ayaa waxay ganacsatada yar yar ee maamulka magaalada jigjiga ururiyeen deeqo lacag ah oo ay ku deeqayaan shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u dajinta uga samaysay tuulada qoloji.

Kulankan ayaa hor dhac u ah kulamada lagu taageerayo bulshada somalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromiya iyada oo ay xusid mudan tahay in kulan balaadhan oo kan ka horeeyay ay ganacsatada heer deegaan ku uririyeen aduun lacageed oo ka badan 60 millyan oo ay ku deeqaan shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada.

Comments are closed