Qatar (estvlive) 23/10/2017
Doorashada kaddib ayaa waxaa goobtaasi ka hadlay munaasabadda Adan Macalin oo u mahad-Celiyay gudiga doorashada Ee Howsha Wanaagsan Ay qabteen, adan ayaa ka codsaday Jaaliyadda DDSI Ee dalka Qadar Inay La Shaqeeyaan hoggaanka cusub Cabdi Samad oo ah shaqsi karti badan oo fir-fircoon islamarkaana ah aqoonyahan qibrad ku xeeldheer u leh arrimaha deegaanka In badan la soo shaqeeyay Jaaliyadda DDSi Ee Dalka Qadar.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qadar Mudane Cabdi Samad Maxamed Xasan oo dhamaan uga Mahad Celiyay wuxuuna balan qaaday xilkan Loo egmaday In uu ka soo bixi doono siina labo laabi doono dadaal Iyo dardargalinta Isagoo carabka ku adkeeyey Inuu Howlaha Shaqo Ee dhamaan Xubnaha Jaaliyadda si wada Jir Ah ula wada shaqeyn Doonaan.
Comments are closed