Hadaba, Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha ee wakaalda Tareemada Dalka mudane Daraje Tafare oo kawrbixiyay dhismaha wadadan tareenka ee isku xidha dalkeenan Ethiopia iyo dalka jabuuti ayaa sheegay in wadadan si buuxda loodhamaystiray halsano kahor islamarkaana xadhiga lagajaray ayaa tijaabinteedeena ladhamaystiray hadaytahay xirfadlayaasha wadada iyo tababarida shaqaalaha kaladuwan ee shirkada tareenka. Wuxuuna tilamaamay in tareenku uu si rasmi ah shaqada ubilaabi doono todobaadkan fooda inagu soohaya
Sikastaba ha haatee, wadadan tareenka oo dheerarkeedu dhan yahay 650 KM islamrkaana ah wado si casri ah loodhisay, kuna baxday aduun lacageed kabadan 3.4 bilion oo doolar. iyadoo kharashka kubaxay dhismaha wadadana 70% lagahelay bangi laga leeyahay dalka shiinaha meesha inta hadhay ee ah 30% uu daboolay dalkeenan itoobiya. Waxaan xusid mudan in tareenkani yahay mid kushaqaynaya quwada korontada islamarkaana qayb libaaxa kaqaadan doona kobaca dhaqaalaha dalkeenan itoobiya.
Comments are closed