Waxaa sidoo kale dacwadahaas mid lamid ah lagu soo oogay Mr. Rick Gates oo isaguna kamid ahaa kooxdii Trump u ololeenaysay.
Labadaas nin ayaa la sheegay inay xiriir hoose la lahaayeen Ruushka, isla markaana horey u qariyeen hawlo badan oo ay u qabteen xisbi xaakimka Dalka Ukraine ee xiriirka laleh dowlada Ruushka. Waxay qariyeen lacagihii ay ka heleen hawlihii ay ka qabteen Ukraine iyo waliba xiriiryada qarsoodiga ah oo ay la sameenayeen xubno ka amar qaata Moscow.
Labadan nin oo maxkamada la horgeeyey ayaa beeniyey dacwada lagu soo oogay, balse maxkamada ayaa ku xukuntay xabsi guri iyo in ay soo wareejiyaan basabooradooda, waxaana dusha laga saaray damiin ah 10 milyan Mr.Manfor halka saaxiibkiisa Mr.Gates damiintiisa ay maxkamada ka dhigtay 5 milyan oo dollar.
Ninka sadexaad ayaa ah George Papadopoulos, kaasi oo kamid ahaa guddigii lataliyayaasha Trump u ahaa xiligii uu ololaha doorashada ku jiray, ninkan ayaa loo heystaa xiriiro toos ah oo uu la sameenayey Ruushka.
Mr.Papadopoulos ayaa xabsiga la dhigay bishii July, waxaana la sheegay inuu qirtay danbiyada lagu heysto, isagoona ogolaaday inuu la shaqeeyo xeer illaaliyaha baaritaanka wada ee Robert Mueller. Ninkan ayaa la rumeysan in bilihii lasoo dhaafay si qarsoodi ah xog u siinayey guddiga baaritaanka wada taasi oo dhaawac weyn ku noqon karta Madaxweyne Donald Trump.
Madaxtoooyada Maraykanka ee Aqalka Cad oo arrimahan kadis ku noqotay ayaa shalay bilaabay olole ay isaga fogeynayaan eedeyntan, waxayna iska fogeeyeen shaqsiyaada hada dacwada lagu soo oogay. Balse xog hoose ay Saxaafada Maraykanka helayso ayaa sheegaya in Madaxweyne Trump uu hada walaac weyn ka qabo baaritaanka uu wado xeer illaaliyaha gaarka ah ee Robert Mueller.
Xiisada la xariirta faro gelinta Ruushka ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee sanadkii hore oo uu kusoo baxay Donald Trump ayaa ah mid muddo dheer soo jiitameysay, bilihii lasoo dhaafay ayey guddiga baaritaanka wado oo uu hogaaminayo Robert Mueller hawshooda si hoose u wateen waana markii ugu horeysay oo ay bilaabaan inay dacwado kusoo oogaan xubniii la shaqeenayey Trump, iyadoo aan la aqoon halka uu baaritaanka ugu danbeyn gaari doono.
Comments are closed