Shacabka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee ka soo barakacay deegaanka Oromada iyo kuwa Oromada ee Xadka ka barakacay ayaa 30-Milyan ugu deeqaeen sadax Qowmiyadood oo kala ah Tigray, Axmaarada, Iyo Shucuubta Koonfureed (SNNP).
3-daa Qowmiyadood ayaa midkii-ba 10-milyan birr oo Deeq bixiyay taasoo loogu gargaarayo barakacayaasha sida uu sheegay Xafiiska Arrimaha Bulshada Itoobiya in gargaarka loo isticmaali doono si joogto ah oo loo dhaqan-galinayo islamarkaana lagu caawinayo barokacayaasha iyada oo loo marayo Guddiga Maareynta Musiibooyinka heer Qaranka.
Ugu dambeyntii shacabka dawlada deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ahaa shacab looga bartay in ay caawiyaan marka dhib uu soo gaaro walaalahooda Qoomiyadaha Itoobiya waxeynu tahay gargaarkan 30-Milyan dhaqan kii soo jireenka ahaa ee laga bartay Somalida Itoobiya.
Comments are closed