Galmudug oo xabsi iyo Ganaax lacageed ku xukuntay Kalluumaysato u Dhalatay Yemen

GAROOWE (ESTVLIVE) 06/11/2017

Maxakamada kutaala magaalada Gaalkacyo ee qaybta  Galmudug  ayaa Xukun Ku Riday Kalluumeysato u dhalatay Wadanka Yeman,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanaya. waxaana maxkamada ku xukuntay xukun isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed

Badmaaxiyaashan oo ahaa saddex qof,  waxay ka shaqeeynayeen Dooni lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 waxaa i2dii bishii October gacanta kusoo dhigay Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug. xukunkooda  waxaa ku dhawaaqay kaaliyaha Maxakamada Sare ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe kadib markii maxkamada la horkeenay ayna qirteen danbiga loo heystay sida uu xusay, waxaana kaaliyuhu uu sheegay markii maxkamadu ay heshay cadeeyn marqaati iyo qiraalba in maxakamadu ay ku xukuntay sadaxdaan badmaax kiiba 2sano oo xabsiya iyo 2kun oo doolar waxaa sidoo kale maxakamadu ay ku xukuntay Doonidii ay la shaqeeynayeen sadaxdaan badmaax oo lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 konton kun oo doolar (50.0000$).

 

Intaas kadib waxaa iyaguna la hadlay warbaahinta Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka Maxamed Cabdi Maxamed iyo Wasiirka wasaarada Gadiidka Badda iyo Dakadaha Galmudug Maxame Aadan Qalabxoor, waxayna uga mahad celiyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug howlgalkaan iyo howlgalada kale ee lagaga hortagayo xaalufinta Kheyraadka badaha Soomaaliyeed.

Waxay ugu baaqeen Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad gobaleedyadu in ay iska kaashadaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen Burcada  kalluumeysiga xaalufinta ka wada badda Somalia, isla markaana loo baahan yahay in sida argagixisada la dagaalankeeda laysaga kaashanayo loogu midoobo ka hortagista kalluumeeysiga kheyraadka Badda soomaaliya.

Comments are closed