Waa weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca gobalka Texas in muddo ah welina ma cada sababta ninkan uu u weeraray kaniisadaasi.
Mid kamid ah dadka ku nool xaafada ay kaniisadaasi ku taal ayaa isaguna rasaas ku riday ninka weerarka geystay oo goobta isaga cararay.
Booliiska oo isku dayey inay qabtaan ninkan ayaa muddo baacsanayey gaarigiisa kahor inta uusan gaarigaasi shil gelin, waxaana la sheegay in ninkaasi meydkiisa laga soo saaray gaariga, waxaan la ogeyn in ninkan uu isagu gacantiisa isku dilay ama ay dileen ciidamadii ku raadjoogay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hada safar shaqo ku jooga dalka Japan, ayaa saaka oo isniin ah sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa qof xanuunsan, isagoo ka weecday inuu ka hadlo dhibaatada Maraykanka ka heysata hubka faraha badan oo ay shacabka heystaan.
Comments are closed