” Soonka Xorta ee Ganacsiga ee aanu ka samayanyo dekeda Berbera, wuxuu ka dhigi doona xarunta ugu weyn ganacsiga Geeska Afrika, wuxuu soo jiidan maalgalin caalami ah, wuxuu dhiirigalina doona ganacsiga, waxaa kaloo uu abuuri doonaa shaqooyin ay helaan dadka degaanku” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha shirkadda DP World
Bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii ayaa shirkada Dp World kud hawaaqday in ay dekeda Berbera ee Somaliland u maalgashan doonto 442 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,kadib markii ay shirkadu ku guulaysatay heshiis la wareegis shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekeda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 Sano ah.
Heshiiska cusub ayaa imaanaya ,iyadoo Somaliland looga dareerayo 13 bishan doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan saddex Xisb, Waxaa kaloo heshiiskan ku soo beegmay iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu xilka ka degayo.
Comments are closed