Gudiga Madasha Wadatashiga Dadwaynaha Itoobiya Ee Horumarinta Nabada Iyo Dimuqraadiyada Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

Jigjiga (estvlive) 07/12/2017

Gudiga madasha wadatashiga dadwaynaha itoobiya ee horumarinta nabada iyo dimuqraadiyada (public consultative forum of ethiopia on peace development and democracy) oo uu hogaaminayo mudane  Getahun Hussein ( eng.) ayaa soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Waxaana si diiran halkaas ugu soo dhaweeyay hogaaminta  odayaal dhaqameedka deegaanka soomaalida.

Hadaba gudigan oo hoostaga madaxwaynihii hore ee JDFI mudane Girma Wolde Georgs oo ujeedada socdaalkoodu ahaa  sidii nabad waarta looga dhalin lahaa khilaafaadka xuduuda labada deegaan ee soomaalida iyo oromada ayaa soo dhawayn kadib waxay  gudigu xafiiskiisa kulan kula qaateen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo odayaal dhaqameedka deegaanka. Waxaana si guud looga wada hadlay sidii xal waara oo kamadanbays ah looga gaadhi lahaa khilaafaadka  xuduudaha labada deegaan ee soomaalida iyo oromada iyagoo gudigu sheegay in laqaban doono kulan wayne nabadeed oo balaadhan oo ay udhan yihiin ergooyinka labada deegaan oo kakoobnaan doona 400 oo xubnood  iyo hogaaminta sare ee  dawlada federalka ah.

Ugu danbayna kulankan ayaa kusoo dhamaaday nabad waarta oo kadhex dhalata shacabka labada deegaan iyadoo si gaar ah ay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaal dhaqameedka deegaanku ay hoosta uga xariiqeen rabitaanka muga leh ee uu shacabku soomaalidu uqabo nabad waarta oo kadhex dhalato shacabka labada deegaan ee sooyaalka dheer wadaaga.

Comments are closed