Qaar Kamid Ah Jaaliyadda DDSI ee UK Xaleyto Kulan Ku Yeeshay London (Warbixin)
London (estvlive) 10/11/2017
Qaar kamid ah Jaaliyadda DDSi ee UK ayaa xaleyto kulan ku yeeshay magaalada London waxaana ka soo qeybgalay xubno lafdhabar u ah jaaliyadda DDSI ee UK.
Waxeyna warbaahinta DDSI u sheegeen 4-tii bishan november dorashadii ka dhacday london gudoomiyaha jaaliyadda DDSI ee UK, oo sida ay hadalka u dhigeen u cuntami wayday.
Waqtigan xaadirka ah ayaa dawlad deegaanka somalida Itoobiya ayaa waxey dib u dajin u sameysay kunamaan shacab ah oo laga soo barakiciyay deegaanka Oromada islamarkaana looga baahan yahay qurbajoogta DDSI in ay taageero xoogan la garab istaagan shacabka kasoo barakacay deegaanka Oromiya.
Xafiiska qurbajoogta DDSI ayaa ugu baaqay in dhamaan qurbajoogta DDSI ee UK in khlilaafka ka dhaxjira xubnaha Jaaliyadda DDSI dhaxdooda in wada hadal lagu dhameeyo islamarkaana wafdi ka socdo DDSI dhawaan soo gaadhi doona UK.
Comments are closed