Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al-shabaab qorsheynayaan in Gadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM u adeegsadaan weerarka la qorsheynayo in lagu qaado garoonka diyaaradaha xarunta Xalane.
“Al-shabaab ma soo weerari karaan garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane, Aamaanka garoonka wuxuu yahay mid la isku haleyn karo, diyaaradaha kuwa imaanayay iyo kuwa duulyay si caadi ah ayay u shaqeynayaan, tan kale Annaga weli nama aysan soo gaarin wararka sheegaya in Al-shabaab ay garoonka ku soo weerarayaan Gawaari AMISOM ay leedahay.” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay howlgalka midowga Africa AMISOM.
Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida wax ka qoreen cabsi la sheegay in ay ka taagan tahay xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho oo Al-shabaab ay qorsheynayaan in ay ku weeraraan gadiid ay horay uga qabsadeen ciidamada AMISOM waa sida hadalka loo dhigay.
Comments are closed