Uganda oo diyaarisey 5000 oo askeri oo Soomaaliya loo soo diro

Uganda (estvlive) 10/11/2017

Iyada oo la qorsheynayo in hawgalka AMISOM ee Soomaaliya ee soo socdey 10-kii sano ee u danbeysey la soo afjaro 2018, ayaa afhayeen u hadley ciidanka Ugandha sheegay in ay diyaariyeen 5 000 oo askeri oo horleh oo ka qaybqaata hawlgalka cusub ee al-Shabaab looga saarayo dhulka ay ku sugan yihiin.

Richard Karemire oo ah afhayeenka gaashaandhigga Ugandha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in Ugandha diaarisay 5000 oo askeri laakiin ay u baahan yihin tageerada beesha caalamka sida dhaqaalaha ciidankan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho uu ku marey dalalka Ugandha, Itoobiya iyo Jabuuti weydiistey taageero milteri, si loo cirirb tiro al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka adkaan waayeen. Itoobiya ayaa kamid ah dalalka sida degdega ah uga jawaabey waxaana la sheegayaa in xuduudka ay ka soo talaabeen kumaankun askeri.

Qaraarkii u danbeeyey ee golaha amaanku ka gaaro AMISOm sanadkan ayaa ahaa in tiradooda la yareeyo lana gaarsiiyo sanadkan 18 000 oo askeri, si loogu diyaariyo dhamaystirka hawlgalka AMISOM ee sanadka 2018.

Comments are closed