Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi.
Hassa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwi ee VOA-da, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.
VOA
Comments are closed