Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Layeeshay Madax-xafiiseedyada Waxbarashada

Jigjiga (estvlive) 15/11/2017

Shir balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarshada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan madax xafiiseedyada waxabarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka iyo waliba agaasimayaasha ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, shirkan oo uu shir gudoon ka ahaa Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nur (Heeryo) ayaa waxa uu halkaas kasoojeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa. Wuxuuna sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay dardargalinta waxabarashada deegaanka islamarkaana lagaga wada arrinsanayo jihooyinka iyo qorshayaasha sanadkan 2010 T.I u yaala xafiiska. Wuxuuna intaa kudaray in shirkan ay fadhiyaan dhamaan madax xafiiseedada waxbarashada ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka iyo waliba dhamaan gadhwadeenada Geedisocodyada xafiiska waxbarashada DDSI laguna kala qaadanayo  arrimo waxkuool ah oo ku adan sidii xooga loosaari lahaa tayada waxabarashada deegaanka dhinac kastaba hanoqotee.

Wasiir-kuxieenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkan sidookale lagagawada hadlayo sidii loo joogtayn lahaa dhinaca soo gudbinta warbixinada ee dhanka waxbarashada, iyo waliba sidii degmooyinka looga dhaqan galin lahaa barnaamijka ciidanka horumarinta looguna dhaqmi lahaa maadaama oo uu ka waxbarasho ahaan faaiido balaadhan inoo leeyahay. Wuxuuna carabka ku adkeeyay wasiir-kuxigeenku in dhamaan degmooyinka aan lahayn O-Class ay hirgaliyaan, sidookalana ay degmooyinku xooga saaraan waxabarashada baahida gaar ka ah ee (special need education)

Sidookale, wuxuu kahadlay wasiir-kuxigeenku dhanka macalimiinta deegaanka iyo in qorshe looqaatay ka dal ahaan in la daboolo baahiyahooda sida guryaynta, wuxuuna tilmaamay guryayntooda iyo dhulkii loogu talagalay sida ay degmooyinku u hirgaliyeen kuwa dhameeyay iyo kuwa aan dhamaynin.

Dhinaca kale, shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay cashiro kusaabsan nidaamka ciidanka horumarka iyo waliba cashiro laxidhiidha tayaynta waxabarshada deegaanka.

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa intii uu socday agaasimayaasha xafiisku soo bandhigeen fariimahooda ku’aadan xafiisyada waxabarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ka waaxdooda ahaan, waxaana lagu kala qaatay xogaha iyo warbixinadii ay ukala baahnaayeen.

Comments are closed