Kheyre oo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay u soo guuraan xaruntoodda magaalada Baraawe

Baraawe (estvlive) 16/11/2017

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka

Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedada uu halkaa u tagay aheyd sidii loo dhiirgalein lahaa bulshada halkaa ku dhaqan iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay Khayre in ay garab istaagayaan shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan reer Baraawe, wuxuuna tilmaamay in ay garab ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in uu arkay sida bulshada ku dhaqan Baraawe uga go’an tahay is bar bar taaga dowladnimada isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dadka reer Baraawe in ay hellaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay.

Comments are closed