Hadaba xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka ee DDSI ayaa sheegay in dadkan soomaalida ah ee cusub ee kasoo barakacay deegaanka oromada ay tiradoodu gaadhayso in ka badan 300 oo qoys dadkaas oo ay xukuumadu deegaanku dajin oogu samaysay senterka qolaji islamarkaana loo qaybiyay raashin iyo agab kaladuwan. iyagoo dadkani kalasoo baxay deegaankii oromada ee ay daganaayeen dharkii ay xidhnaayeen oo kali ah.
Ugu danbayn waxay barakicintan cusub kusoo beegantay xili lagu jiray hirgalinta qorshihii waanwaanta iyo nabadaynta labada shacab ee soomaalida iyo oromada.
Comments are closed