Waayadii ugu danbeeyay waxaa jiray kala aragti-duwanaasho siyaasadeed oo kala dhaxgalay dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka dhisan oo taageeray go’aanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka qaateen Qatar, iyaga oo ka hor yimid mowqifkii dhexdhexaadnimo ee dowladda federaalku ka qaadatay arrintan.
Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa la sheegay in ay gacan saar hoose la leeyihiin maamul gobolleedyada qaatay mowqifka ka dhanka ah dowladda federaalka, iyaga oo dhinaca kalana kulamo iyo shirar la yeeshay siyaasiyiin ka soo horjeeda dowladda federaalka.
Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in looga wadda hadlo arrimahaa oo idil iyo kaalinta UAE ay ka qaadan karaan dagaalka ay dowladdu ku dhawaaqday ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Comments are closed