Zimbabwe: Mugabe oo laga saaray Xisbigiisii & Iscasilaadiisa oo la sugayo

Zimbabwe (estvlive) 20/11/2017

Xisbi Xaakimka dalka Zambabwe ayaa kulan ay Axadii shalay yeesheen kalsoonida kala noqday Madaxweyne Robert Mugabe oo ahaa hogaamiyaha xisbigaasi.

Shirkan ayaa lagu doortay Hogaamiyaha cusub ee xisbigaasi oo noqonaya Madaxweyne kuxigeenkii Emerson Mnangagwa oo uu dhawaan xilka ka qaaday. Hogaamiyaha cusub ayaa ah nin taageero ka heysta militariga dalkaasi oo todobaadkii horey awooda la wareegay.

Xisbiga ZANU-PF ayaa illaa iyo maanta oo Isniin ah u qabtay Mugabe inuu xilka iska casilo, hadii uu diidana la horgeyn doono maxkamada sida sharciga dalkaasi qabo.

Madaxweyne Mugabe ayaa kadib shirkaasi khudbad kasoo jeediyey telefishinka-dowlada ZBC, isagoo ay hareero fadhiyaan Taliyayaasha ciidamada, waxaana la filayey inuu iscasilayo balse shacabka dalkaasi ayey layaab ku noqotay markii Mugabe uu sheegay inuu xilka siiheyn doono oo u shir guddoomin doono shirweynaha xisbiga talada haya ee horey u qorsheysnaa inuu dhaco bisha danbe ee December.

Warar saaka laga helayo Magaalada Harare ayaa sheegaya in Mugabe uu aqbalay inuu iscasilo, balse weli lama oga xiliga uu ku dhawaaqi doono xil wareejinta.

Comments are closed