Haweenka Mudaaharadka dhigey ayaa ka bilaabey goobaha ay ku ganacsadaan ee Suuqa, kadibna waxay socod ku mareen wadada dheer ee laamiga ah, waxaana qorshohoodu yahay in ay isugu tagaan banaanka hore ee dekadda.
Qaar kamid ah Ganacsatada iyo maamulka ayaa la filayaa inay ku heshiiyaan in kor loo qaado canshuurta alaabo gaar ah kuwaas oo kor u dhaafaya 70 shay, kadib markii uu shaqeyn waayey khidbmadii dheeraadka ahayd ee ay soo rogtey shirkadda P&O Ports.
Ganacsatada iyo maamulka ayaa sidoo kale ku heshiiyey in muddo 10 maalmood ah dekaddu u shaqeyso sidii caadiga ahayd, laakiin dhaqaalaha ka maqan Shirkadda Imaaraatiga ah waxaa kabaayey Maamulka Puntland taas oo ay sheegeen in ay culeys ku tahay, waxaana ay hadda qorsheynayaan in lacagtaas la saaro ganacsatada oo alaabaha qaar la saaro, kadibna loo gooyo shirkadda P&O.
Ganacsatada qaarkeed ayaa sheegaya in iyaguna ay sicirka kor u qaadayaan, dadka khasaaradu ku dhacaysona ay noqon doonaan danyarta iyo shacabka.Haweenka Boosaaso ayaa ka cabanaya arrimahaas, waxaana ay doonayaan in dekadda lagu so celiyo xaalad caadi ah.
Comments are closed