Muqdisho: Kullan Dhexmaray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (estvlive) 20/11/2017

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin ujeedada kulanka dhexmaray Masuuliyiinta iyo waxyaabihii laga hadlay, waxaase la sheegayaa inuu kulanku uu ahaa oo kaliya is-arag iyo isbariidin oo kaliya.

Comments are closed