Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.
Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii hayn doona Wasiiru Dowlaha Wasaaraddai C/xakiin Xuseen Ashkir.
Wasiirka cusub gaashaandhiga la magacaabay Maxamed Mursal ayaa horay u soo noqday Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka u horeeyay ee Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.
Comments are closed