In badan oo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhimka ah. Rugta ganacsiga ee Puntland xarunteeda waxaa taagan ciidamada amaanka oo wata gaari nooca shabaqlaha ah, waxaa wararku sheegayaan in qaar kamid ah ganacsatadu ay ku jiraan xarunta rugta ganacsiga.
Doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekadda Bosaso ayaa ka shiraacdey halkaas waxaana ay baroosinka dhigteen meel aan ka fogeyn dekadda. Kiraalayaasha Doonyaha iyo qaar kamid ah ganacsatadu waxay diidan yihiin lacagta khidmadda dekadda ee la kordhiyey iyo weliba canshuurta sida ay sheegayaan, maamulka ayaa ku doodaya in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmadda yar marka loo eego dekadaha kale ee dalka ka jira.
Dekadda Bosaaso waxaa lagu wareejiyey shirkad laga lee yahay dalka Imaraadka Carabta oo lagu magacaabo P&O Ports, heshiis dhigaya 30 sano iyo in shirkaddu dib u dhisto dekadda oo ballaariso, kadib wareejintii dekadda waxaa bilowdey muran u dhexeeya maamulka Puntland iyo Ganacstada iyo weliba kiraalayaasha doonyaha masuulka ka ah ee loo yaqaan Arbaabada.
Faahfaahinta warkan gadaal ayaa laga daabacayaa
Comments are closed