Puntland oo Soo Dhawaysay Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-Sunna

Garoowe (estvlive) 07/12/2017

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda saxiixa heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa soo dhaweeyay heshiiska.

Madaxweynaha Gaas wuxuu sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna yahay mid ka qayb qaadanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo dawladdanimadii Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani ay ka muuqato isu tanaasul iyo garasho xeeldheer, waxaana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug sida waaya aragnimadu ku jirto ee uu uga shaqeeyey midawga shacabka reer Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Ahlusunna ay markasta u taagnaayeen difaacidda dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in heshiiskani Soomaali oo dhan guul u yahay, isla markaana uu si gaara u taabanayo Puntland iyo Hirshabeelle.

” Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna wuxuu guul u yahay Soomaaliya oo dhan si-gaarana wuxuu wanaag u yahay Puntland iyo Hirshabeelle, waxaannu nahay xigto, waxaannu nahay deris, si gaara ayuu noo-khuseeyaa si gaara ayuu noo-taabanayaa si gaara ayuuna nabadgelyadayada iyo wada jir kayaga uga qayb qaadanayaa saamaynna ugu yeelanayaa. Insha Alla dhamaystirka heshiiskana waan kawada qayb qaadandoonnaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

 Galmudug iyo Ahlusunna waljamaaca, ayaa  shalay heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaareen labada dhinac  qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale oo ka socotay xukuumada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Comments are closed