Munaasabada xuska 12aad ee 29 hidhaar oo ay kasoo qaybgaleen masuulyiinta ugu saraysa Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qatar iyo Masuulayiin ka socda safaarada Itoobiya ee dalka Qatar yo Qaar kamid ah xubanaha taageerayaasha xisbiga XDSHSI Odayaasha, Dhalinyarta haweenka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hoolka safaarada Itoobiya.
Hadaba xuska munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Mudane Cabdi Samad oo ugu horayn umahad celisay dhamaan kasoo qaybgalayaasha munaasabada isagoo sheegay inay maanta tahay maalinta qoomiyadaha shucuubaha kala duwan ee dalkeena itoobiya waana maalin qaali inagu ah islamarkaana ay kulmaan in kabadan 80 qoomiyadood oo kala yimid deegaana dalka itoobiya taas oo ku tusinaysa sinaanshaha qoomiyadaha dalkeena.
Gudoomiye Cabdisamad ayaa xusay ka jaaliyadda dawlad deegaanka somalida Itoobiya ee dalka qadar ay soo dhawaynaan islamarkaana waxey ku faraxsan yihiin munaasabada xuka 12aad ee 29ka hidhaar ee uu sanadkan martigaliyay deegaanka Canfarta.
Dhanka kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha munaasabada xuskan 12aad ee 29ka hidhaar iyagoo sheegay inay xuska ay tahay maalin aad qaali u ah islamarkaana ay aad usoo dhawaynayaan Xuska Maalinta qoomiyadaha shucuubaha dalka waa maalin lahelay sinaan isbarasho isdhexgal qoomiyadaha kala duwan ee iskugu yimid xuska munaasabada 12aad ee 29ka hidhaar ee lagu qabtay magaalada Samara ee deegaanka Canfarta.
Comments are closed