Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Kaqabsoomay Xafiiska Waxbarashada DDSI

Jigjiga (estvlive) 09/12/2017

Kulan uu soo agaasimay geedisocodka Horumarinta dugsiyada ee xafiiska waxbarashada DDSI kaasoo kusaabsan khibrad wadaag kuqotama fulinta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha horumarinta dugsiyada islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, Agaasinka waaxda Hor-Dugsiyada, Maamulayaasha iyo waliba kormeerayaasha dugsiyada ee 6da Maamul magaalo iyo 4 degmo ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Hadaba, Kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in xafiisku siwayn ugu hawlanyahay kor uqaaadista iyo tayaynta waxbarashada islamarkaana uwado dadaalo kaladuwan oo kuaadan sidii loo tayaynlahaa waxbarahsada loogana midho dhalinlahaa qorshayaasha horumarintadugsiyada ee dhamaan deegaanka. wuxuuna intaas kudaray in kulankani yahay mid diirada lagu saarayo qorshayaasha horumarinta dugsiyada islamarkaana maamulayaasha iyo kormeerayasha dugsiyadu khibrad kukala qaadanayaan kadib markii dugsiyadu soo bandhagaan qorshayaashoodii horumarinta dugsiyada iyo sidii ay ufuliyeen.

Sidookale, Gadh-Wadeenka G/S Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo isna kulankan kahadlaya ayaa sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay khibrad iswaydaarsi islamarkaana dugsiyada magaaloyinka iyo qaar kaamid ah degmooyinku ay iskuwaydaarsanayaan fulinta iyo natiijada wanaagsan ay kakeeneen qorshayaash horumarinta dugsiyada. Wuxuuna tilmaamay in dusiyada liita ama dugsiyada cusubi ay khibrad kaqaataan dugsiyada sida wanaagsn uga midho dhaliyay qorshaha horumarinta dugsiyada si kor loogu qaado natiijada ardayda.

Iskusoo wada duuboo, xafiiska waxbarashada DDSI ayaa bilihii udanbeeyay wada dardar galin xoogan oo kuwajahan guud ahaan waxbarashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarshada Deegaanka.

Comments are closed