Falastiin: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Israel/Maraykanka

Falastiin (estvlive) 09/12/2017

Maanta oo Jimce ah ayey magaalooyinka waaweyn ee dhulka Falastiin ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Maraykanka iyo Israel, mudaharaadyadan iyo dhagaxtuurkan ayaa looga jawaabayey go’aankii Maraykanka ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israel.

Hal qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 qof banaanbaxyadan ka dhacay Daanta Galbeed sida magaalooyinka Ramallah, Bethlehem, Qudus iyo Marinka Gaza. Ciidamada Israel ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday banaanbaxayaasha.

Falastiiniyiinta ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo mudaharaad ah wallow aan weli la aqoon inta uu sii socon doono kacdoonka.

Xamaas ayaa shalay ku dhawaaqday in la bilaabo kacdoon cusub oo looga soo horjeedo Maraykanka iyo Israel, waxaana dhaliilo badan loo jeedinayaa maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamuud Cabaas.
Cabaas ayaa isagu wafdi uu hogaaminayo Khamiistii shalay u dhoofay magaalada Amma ee caasimada dalka Urdun (Jordan) halkaasi oo ay wadahadalo albaabada u xiran yihiin kula yeeshay Boqorka dalkaasi Cabdallah.

Comments are closed