Jamhad ka dagaalanta deegaanka oo lagu magacaabo ADF ayaa lagu eedeeyey inay ka danbeysay weerarkaasi dhacay Khamiistii oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee in muddo ah soo gaaraya ciidamada ka socda UN-ta.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in falkan uu yahay Danbi Dagaal, isagoona ugu baaqay dowlada DRC inay baaritaan sameyso, sharcigana lasoo hortaago kooxaha falkan geystay.
Dalka DRC ayey xiligan ka jirtaa xiisad la xariirta Doorashada Madaxweynaha oo dib loo dhigay, wuxuuna xilka ka dhamaanaya Madaxweyne Joseph Kabila oo wakhtigiisa ku eg yahay dhamaadka bishan December. Kooxaha ka dagaalama Bariga dalkaasi ayaa dar dar geliyey weeraradoo xili ay sidoo kale xiisado siyaasadeed ka taagan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
Comments are closed