Muqdisho: Madaxweynaha Puntland oo ballan qaadey dhismaha garoonka kubbadda cagta

Muqdisho (estvlive) 09/12/2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa fiidnimadii Jimacada casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta Puntland ayaa ku adkeeyey dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira.

Puntland malahan garoon kubbada cagta oo dhisme wanaagsan haysta isla markaana u dhamaystiran yihiin dhamaan agabkii loogu talo galay.
Tartanka kubadda cagta ee maamulada dalka ka jira ayaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho, waxaana ciyaartii u horeysey waxaa isku arkey Gobolka Banaadir iyo maamulka Jubaland ciyaartowgii ka socdey, waxaana badiyey kooxdii ka socotey gobolka Banaadir.

H

Comments are closed