Muqdisho (estvlive) 12/12/2017
Jawaari ayaa khudbad uu kasoo jeediyey Kalfadhigii Baarlamaanka Federaalka ku sheegay inay tahay xil weyn oo saaran inay ka hadlaan go’aankii dhawaan uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku sheegay Qudus inay tahay caasimada Israel.
Dowlada Soomaaliya ayaa hadalkeeda ku koobtay qoraal kooban oo ay soo saareen 7dii bishan oo lagu saxiixay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka, walow hogaamiyayaasha ugu sareeya xukuumada aysan weli arrintan ka hadlin.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan shirka dowladaha Islaamka ee ka dhici doona Arbacada beri magaalada Istanbul, shirkaasi oo looga hadlayo qadiyada Qudus ayuu hogaamiyayaasha wadamada Islaamka ku casumay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xiligan haya guddoomiyaha ururka Iskaashiga dalalka Islaamka.
Comments are closed