Nin isku qarxiyey New York oo sheegtay inuu kamid yahay Daacish

New York (estvlive) 12/12/2017  

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay xarunta Basaska laga raaco ee bartamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Weerarkan ayey dowlada Maraykanka iyo maamulka magaaladaasi sheegeen inuu ahaa weerar argagaxiso oo fashilay.

Nin sitay bambaano uu jirkiisa kusoo xiray ayaa la sheegay in bambaanada ku qaraxday kahor intuusan gaarin goobtii uu doonayey.

Bambaanada ayaa dhaawac culus gaarsiisay ninkii siday, halka dadka kale ee dhaawaca soo gaaray uu yahay mid fudud.

Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan weerarkan, iyagoo shaaciyey magaca iyo sawirka ninka falkan ka danbeeyey oo lagu magacaabo Akayed Ullah oo ah 27 sano jir.

Comments are closed