Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo xilka loo dhaarinayo Arabacada maanta

Hargeysa (estvlive) 13/12/2017

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacaysa xarunta Madaxtooyada ee Somaliland ee magaalada Hargeysa, taas oo xilka loogu dhaarinayo Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystey doorashadii madaxweynaha ee ka dhacdey Somaliland 13 Nofeembar 2017.

Xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa waxaa ka qaybgalaya wufuud caalami ah oo ka kala socota dalalka jaarka ah iyo weliba beesha caalamka kale.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa u soo dirtey Hargeysa wefdigii ugu ballaarnaa waxaana uga qaybgalaya 38 ergay oo kamid noqon doono 1500 oo qof oo loogu tala galay in ay ka qaybgalaan caleema saarka. Dowladda Itoobiya waxaa ka imaanaya wefdi aan heer sare ahayn waxaana hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka ismaamulka deegaanka Soomaalida Cabdixakiin Cigaal Cumar.

Wufuuda kale ee ka qaybgalaysa caleema saarka iyo dhaarinta Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka kala socda IGAD, EU, UN, iyo weliba denjirayaal ka socda EU.

Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaan jirey ciidankii Xoogga dalka Soomaaliya, kadibna u wareegay jamhaddii SNM halkaas oo uu ka mid ahaa taliyaasha sare ee Jamhadda ayaa doorashadii 13 Nofeembar uga guuleystey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo doorashadaas ku tilmaamey mid aan xalaal ahayn.

Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii shanaad ee jamhuuriyadda iskeed isu magacaabtey ay yeelato. Waa Madaxweynihii saddexaad ee ku yimaada doorasho dadweynuhu ka qayb-qaateen oo lagu tartamey Xisbiyo. Muddo gaareysa 25 sano Somaliland ma helin cid u aqoonsato dal madaxbanaan.

Comments are closed