Madaxweynaha Venezuela oo ku biiray shirka dalalka Islaamka

Venezuela (estvlive) 13/12/2017

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicholas Maduro ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si uu uga qeyb galo shirka Wadamada Islaamka ay uga tashanayaan go’aankii Maraykanka ku sheegay Qudus caasimada Israel.

Maduro ayaa kamid ah hogaamiyayaasha sida weyn u cambaareeyey go’ aanka Donald Trump iyo waliba farogelinta Maraykanka uu ku hayo dalalka Caalamka.

Shirka Wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ayaa la filayaa in go’aamo laga soo saaro maanta, walow aan la aqoon in hogaamiyayaasha halkaasi isugu yimid ay hal cod kuwada hadli doonaan.

Go’aankii Trump ayey kasoo horjeesteen Beesha Caalamka iyo waliba hogaamiyayaasha Muslimiinta iyo waliba kuwa Kirishtaanka oo u arka go’aankaasi.

Comments are closed