“Waxaan halkan ka cadeynayaa in aan dib uga laabtay Mooshinka aan saxiixay saddex cisho ka hor oo ku deg degay, waxaa uga laabtay markii aan arkay duruufaha uu dalka ku jiro, gaar ahaan, amniga, dhaqaalaha, iyo qalbi wanaaga Madaxweynaha”ayuu yiri Xildhibaan Shaacir.
Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore aysan jirin cid ku qasabtay in uu mooshinka saxiixo, haddana uu dib uga laabtay isaga oo aysan jirin cid kale oo ku cadaadisay go’aanka uu qaatay.
Hadalka xildhibaanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo sheega in uu jiro mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Comments are closed