wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi ee ay Hogaaminayaan wafdi heer sare ee Masuuliyiinta Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay kamid yihiin wasiirarada Xanaanada xoolaha iyo Horumarinta Reer Guuraaga Marwo Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad, maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhiska DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin, lataliyaha Xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI Mudane Abdi Khaliif Dhoombe,
Waxaa ka soo qeybgalay dhamaan qurbajogta ku dhaqan waqooyiga America iyo bulshada qeybaheeda kala duwan iyo odayaasha dhaqanka DDSI iyo Hogaaminta sare ee Jaaliyadda DDSI kulankaasi waxaa kaloo halkaasi siweyn uga dhax muuqday Fanaaniinta DDSi iyo fanaaniin kale waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen hormarka dawlad deegaanka uu waqtigan xaadirka ah uu gaaray iyo halka hiigsigu uu yahay.
Waxaa ugu horreyn halkasi ka hadashay wasiirarada Xanaanada xoolaha iyo Horumarinta Reer Guuraaga Marwo Maajida Maxamed Maxamuud, oo ka warbixisay sooyaalka taariikheed ee deegaanka soo maray iyo mar xaladihii adkaa ee lasoo maray iyo shacabka dawlad deegaanka somalida Itoobiya oo ah shacab adkeysi badan 5-tii sano ee lasoo dhaafay waxey marqaadi ka kaceen in dhibaatadii soo martay XDSHSI iyo hogaaminta sare habeen iyo maalinba u taagan sidii shacabka DDSI nolol cusub ay u heli lahaayeen hadey noqoto dhanka biyaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, wadooyinka, leydhka, shaqo-abuur, waxeyna ka marqaati kaceen in dhamaan boqolkii sagaashan waqtigan xaadirka ah ay marayaan hormarka ka jira dawlad degaanka somalida Itoobiya .
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi oo uga mahadceliyay dhamaan qurbajoogta DDSI waqooyiga America sida sharafta leh ay uga soo qeybgaleen shirka wada tashiga xukuumada DDSi iyo qurbajoogta Waqoyiga America iyo dhamaan hogaamintii shirka soo abaabushay.
Ugu Dambeyntii shirka wadatashiga xukuumadda DDSi iyo Qurbajoogta Waqooyiga America ayaa wuxuu ku soo gabagaboobay islamarkaana xoosta lagawada xariiqay in midnimada iyo wadajirka la adkeeyo islamarkaana cadow kasta DDSi ay leedahay meel looga soo wada jeesto
Muqaalka Xaflada warka caawa ESTV hamogaan Booqo estvlive.com wixii talo ah fadlan noogu soo hagaaji emailkan estvnews@hotmail.com
Comments are closed