Guatemala oo taageertey qorshaha Trump- oo Safaaradeedi u raraysa Qudus

Guatemala (estvlive) 25/12/2017

Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa shaaciyey in uu amar ku bixiyey in safaaradda ay ku leeyihiin Israel loo wareejiyo magaalada Qudus oo hadda u aqoonsan yahay caasimadda Israaiil.

Warka ka soo baxay Madaxweynaha dalka Guatemala ee dhaca bartamaha Qaarada Ameerika ayaa imaanaya maalmo kadib markii dalkaasi ka mid noqdey 9 dal oo tageeray  go’aankii Maraykanka uu Qudus ugu aqoonsadey caasimadda ISraaiil, shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey.

Sida laga soo xiganayo Morales waxa uu go’aanka ay safaaradda uga rarayaan Tel Aviv gaarey kadib markii ay wada hadal kooban ay wada yeesheen Raysalwasaare Benjamin Netanyahu.

Dowladda Guatemala ayaa kamid ah dalalka ku xiran deeqda Maraykanka, taas oo Donald Trump horey ugu hanjabey in uu ka goyanayo dalkii ka horyimaada, oo u codeeya qaraarkii looga horyimid Maraykanka ee Qudus.

Comments are closed