Madaxweyne Farmaajo oo amray in saraakiisha dhalinyarada ah loo magacaabo hogaanka ciidamada

Muqdisho (estvlive) 26/12/2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Taliska Ciidanada xoogga dalka in Saraakiisha dhalinyarada ee dibadda lagu soo tababaray loo magacaabo hoggaanada iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen C/wali Jaamac Gorod ayaa ku dhawaaqay in Saraakiil dhalinyaro lagu wareejin doono hoggaanada iyo qeybaha Ciidamada xoogga dalka, iyadoo la fulayo amarka Madaxweynaha.

“Madaxweynuhu wuxuu amray in saraakiisha dhalinyarada ah ee waxbaratay lagu wareejiyo hogaanka ciidamada, sidaa daraadeed waxaa is waafaqay sidii aan Annigu u fikirayay iyo doonista madaxweynaha waanan isku waafaqnay”ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Jen. C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Saraakiisha dhalinyarada loo dhiibi doono hoggaanada ciidamada, sida Horin illaa koox sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah Saraakiishii dhalinyarada ee uu shalay Taliyaha kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka sheekeeyay tababaradii ay dibadda ku soo qaateen, waxaana mid ka mid ah oo lagu soo tababaray Mareykanka uu sheegay inay dad kula taliyeen inuu Mareykanka iska dhiibo, balse uu diiday, maadaama uu dalkiisa uu soo dirsaday, si uu ugu adeego.

Comments are closed