Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay heeshiish dhan 2.7 $ Malyan oo loogu tala galay abaaraha iyo biyo la’aanta

Muqdisho (estvive) 30/12/2017

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis lacag gaaraysa labo milyan iyo todobo boqol oo kun oo doolaarka Mareykanka ah, taasoo wax looga qabanayo biyo la’aanta abaaraha iyo ka jirta gobolada dalka Soomaaliya.

Heshiiskani dhaqaalaha xambaarsan waxaa bixinaya hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga adduunka, lacagtaasi ayaa waxaa looga gol leeyahay in wax looga qabto abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo waliba biyo la’aanta, waxaana ka faa’ideysan doona marka la hirgaliyo bulsho badan oo u baahan kaalmadaasi.

Saxiixa wasiirka maaliyadda iyo madaxa hay’,adda N R C ayaa ku saleyysan nidaamkii balan qaadka horey u dhexmaray wasaaradda maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata adduunka I M F-ta, waxa uuna la xariiray howlaha maaliyadeed ee ay wasaraddu ku guuleeysatay.

Madaxa hay’adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahad celiyay wasaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda ayaa faah-faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto, wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Deegaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira wax loogu qaban doono

Waa marki ugu horeysay ee wasaarada maaliyadda ay maamusho mashruuc loogu talagalay deegaanada dowlad goboleedyada dalka muddo laga joogo 27 sano .

Comments are closed