Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSi ay qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha si looga jawaabo baahida bulshada deegaanka ee dhinaca helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana xooga la saaray ka faa’iidaysiga biyaha bulka hoostooda, kaydinta biyaha cirka iyo ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada deegaanka sidoo kalena ay xukuumada DDSI suurta galisay mashaariicaha biyo galinta masaafada fog oo la gaadhsiiyay dhulkii hore u ahaan jiray oomahana dhinaca kalena ay xukuumada DDSI soo iibisya bilihii ugu dambeeyay 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska iyo biyo dhaamiska iyada oo dhinaca kale meelaha laga sameeyo biyo dhaanka la garab wado qoditaanka ceelasha biyaha dhaadheer. si guud ahaanba deegaanka xawlaara looga gaadho helitaanka biyaha,
Wasiir kuxigeenka mar uu ka waramayay guulaha laga gaadhay qorshihii xafiiska biyaha ee 6dii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxa uu sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii biloog ee ugu dambeeyay 66.7% lana gaadhsiiyay 73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday 64.5% lana gaadhsiiyay 70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday 66.7% lana gaadhsiiyay 73.6%, wasiir ku xigeenka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay in la dhamays tiray 25 ceelalka dhaadheer (riig ah) halka ay socdaan 12 ceel oo ah kuwa dhaadheer, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqooyinka ku dayashada mudane ee laga hirgaliyay deegaanka ay tahay xal u helida ceelasha dhaadheer ee marka laga soo saaro biyaha ay qadhaadh noqdaan taasi oo ay xukuumada DDSI oo iibisay 11 mishiinada ah kuwa biyaha macaaneeya taasi oo lagu guulaystay lana macaaneeyay meelihii laga qotay ceelasha biyaha qadhaadh.
Ugu dambayntii waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu isaga oo ka duulaya taaba galinta geediga horumarka xukuumada DDSI ee ku salaysan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha uu dadaal xoogan ugu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.
Comments are closed