Wasiirka Qurbajoogta DDSI oo Kula dardaarmay Qurbajoogta DDSI in Ay Sii-Xoojiyaan Taageerida Howlaha Horumarinta DDSi

Jigjiga (estvlive) 07/01/2018

La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhinaca xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo aan maanta ka waraystay shaqooyinka dhinaca qurba joogta DDSI ayaa ugu horaytii amaan iyo bogaadin u soo jeediyay qurba joogta DDSI ee ku nool dacalada aduunka taageerada, horumarka iyo nabadgalyada ka hanan qaaday deegaanka iyo kaalinta maalgashi ee ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in qurba joogta DDSI ee ku nool daafaha caalamka in ay kaalin mug leh ku leeyihiin halganka ay xukuumada DDSI ugu jirto tir tirida saboolnimada oo ah cadawga koowaad ee uu deegaanku leeyahay wasiirka ayaa ku booriyay in ay dadaalka horumarineed iyo kan nabadgalyada sii xoojiyaan 


Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

Comments are closed